Sahan media Muqdisho: heshiiskan oo aysan arag ayay meelmariyeen labada gole ee baarlaanka Somalia kadibna uu saxiixay madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa walwal ku abuuray wadamada dariska la’ah Somalia.
kadib ayaa laga helay macluumaad dheeraad ah heshiiskan difaac ah ee dhawaan ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo Turkigu kula wareegay ammaanka badda Somalia.
hadaba qodobada ugu muhiimsan ee la helay waxaa kamid ah:
1-. Heshiisku wuxuu socon doonaa muddo 10 sano ah.
2-Â Ilo dhaqaale oo dheeri ah ayaa la soo saari doonaa oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
3-Waxay fasaxday how-gallada cirka, dhulka iyo badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada dal.
4-Qeyb kamid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco madax-bannaanida dhuleed, cirka iyo xeebaha ee Soomaaliya ee aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo dalalka iyo kuwo hun-gureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida burcad-badeedda, argagixisada, kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.
5-Waxa lagu heshiiyay in horumarinta warshadaha dhismaha maraakiibta iyo dhismaha dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta aagagga amniga Soomaaliya.
6-Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.
7-Wuxuu caawinaya heshiiska habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.
8-Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya sida maraakiibta dagaalka iyo doonyaha hubeysan ee dheeraya.
Si kastaba, heshiiskan ayaa hadal heyn badan dhaliyay, ayada oo siyaabo kala duwan loo faaqiday, wuxuna kusoo aadaya xilli ay xiisad xooggan Soomaaliya ay kala dhaxeyso Itoobiya, taasi oo salka ku haya damaca guracan ee badda.