Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan oo ay booqasho shaqo uga bilaabatay Nairobi

Madaxweyne Xasan oo ay booqasho shaqo uga bilaabatay Nairobi

Sahan media Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si uu uga mid noqdo madaxda kale ee caalamka ee sanadkan ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEA) iyadoo halkudhiggiisu yahay “waxqabadyo dhinacyo badan leh oo wax ku ool ah, loo dhan yahay oo waara si wax looga qabto isbeddelka cimilada, luminta noolaha iyo wasakhowga. “
Inta lagu guda jiro shir-madaxeedka, madaxweynuhu wuxuu iftiimin doonaa caqabadaha gaarka ah ee Soomaaliya ee dhinaca deegaanka, gaar ahaan cimiladu waxay keentay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka isagoo sahamin doona habab iskaashi oo lala yeesho saaxiibada caalamka si loo dhiso mustaqbal waara oo Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu taaban doonaa caqabadaha hortaagan nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara ee gobolka. Waxa uu ka hadli doonaa sida qaar ka mid ah falalka xasillooni darro ee hal dhinac ay khatar ugu yihiin in ay uga sii daraan xaaladda ka sii daraysa.
Madaxweynuhu waxa uu kulamo dhinaca laba geesoodka ah la yeelan doonaa madaxda dawlad goboleedyada iyo madaxda kale ee wufuudda si loo xoojiyo xiriirka iyo sahminta fursadaha iskaashi ee ku saabsan arrimaha deegaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments