Google search engine
HomeWararka DibaddaYaa taageera Xuutiyiinta weerarrada ay ka geystaan gacanka Cadmeed?

Yaa taageera Xuutiyiinta weerarrada ay ka geystaan gacanka Cadmeed?

Sahan media Muqdisho: Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen, Tim Lenderking, ayaa u sheegay guddi-hoosaadka Senate-ka in ay jiraan warar “lagu kalsoonaan karo” oo sheegaya in dawladda Iran iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay “qalabeynayaan oo ay fududeynayaan” weerarada Xuutiyiinta ee maraakiibta ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed.

“Warbixinno dadweyne oo lagu kalsoonaan karo waxay soo jeedinayaan in tiro aad u badan oo Iiraaniyiin ah iyo kuwa Xisbullah ah oo Lubnaaniyiin ah ay taageerayaan weerarrada Xuutiyiinta ee ka imaanaya gudaha Yemen,” ayuu yir

Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November weerar ku qaadayay maraakiibta mara mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee maraakiibta caalamka iyaga oo ka mudaaharaadaya dagaalka Israa’iil ee Gaza. Mareykanka iyo UK ayaa ku jawaabay duqeymo ay la beegsadeen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ka taliso.

Lenderking waxa uu qiray in duqaymahaasi ay wax yar ka qabteen sidii ay Xuutiyiinta u joojin lahaayeen weerarada ilaa hadda. waxay si cad u sheegeen in aysan joojin doonin ilaa ay xabad joojin ka dhacdo Gaza, waxay calaamad u tahay in aynaan weli gaarin ujeedooyinkeennii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments