Google search engine
HomeWararka MaantaWadamada Carabta oo taageeray madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

Wadamada Carabta oo taageeray madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Kulan barbar socday shir madaxeedka 33-aad ee dalalka Carabta ayaa waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faqi.

Dr. Abdullatif bin Rashid Al Zayani, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Baxrayn, ayaa ka qayb-galay shirkan oo Wasaaraddiisa loo xilsaaray taageerada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah xad-gudubyada midnimada dhuleed.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay dedaallada wadajirka ah ee Carabtu ku doonayso inay ku difaacdo qarannimada Soomaaliya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda, iyagoo diiday heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland.

War-murtiyeed laga soo saaray kulanka kadib ayaa lagu caddeeyay in Carabta ay garab taagan yihiin Soomaaliya, kana soo horjeedaan wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanideeda dhuleed, diidmada heshiiska is-afgaradka iyo sidoo kale cawaaqib kasta oo ka dhasha sharci, siyaasadeed, ganacsi iyo mid ciidan.

Kulankan ayaa lagu caddeeyey mawqifka Carabta ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya, sida uu dhigayo Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Waxay soo dhaweeyeen codsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in Jaamacadda Carabta laga qayb geliyo dadaal kasta oo Soomaali, Carab ama Afrikaan ah oo lagu taageerayo dib u heshiisiin qaran oo la doonayo in lagu ilaaliyo midnimadeeda iyo qaranimadeeda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments