Google search engine
HomeWararka MaantaXildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka hadlay Matalaad ay caasimadda ku yeelato...

Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka hadlay Matalaad ay caasimadda ku yeelato Nadaamka Federaalka ah

Sahan média Muqdisho: Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahan ka doodayay arrimo xasaasi ah ayaa ku kala qaybsamay arrinta xuquuqda gobolka Banaadir, gaar ahaan metalaad ay caasimada ku yeelato nidaamka federaalka.

Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Jeego oo furay dooddan ayaa ka dhex sheegay Baarlamaanka inay soo dhisi doonaan maamul goboleed uu yeesho gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in madaxweyne looga dhigayo Madaale, beeshiisuna ay qaadaneyso ku xigeen.

“Gobolkan Banaadir ayaa waxaan ka sameyneynaa maamul goboleed madaxweyne ayaan dooraneynaa ninka hadda joogo Madaale la leeyahay ayaaba madaxweyne ka dhiganeynaa madaxweyne ku xigeenka wa beesha shanaad” ayuu yiri Xildhibaan Jeego

Xildhibaan Dhabancad ayaa baarlamaanka u sheegay in caasimada la wada leeyahay, wuxuuna ugu baaqay in hadalkaas uu ka laabto xildhibaanka wuxuu a hadalkiisa ku Darcy:

“Mudane guddoomiye waxaan u istaagay in aan u jawaabo ninkii halkan ka hadlay xildhibaan Jeego ayaa wuxuu ka hadlay caasimada Soomaaliya oo Ummaddii dhan qof walba wax ku leeyahay inuu yiraahdo aniga iyo Madaale ayaa qaybsaneyna, waxaan rabaa inta warkaas fidin oo meel dheer gaarin baan rabay inaan u digo oo iraahdo war ka noqo” ayuu yiri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments