Google search engine
HomeWararka Dibadda22 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay kadib markii labo doonyood...

22 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay kadib markii labo doonyood ay ku dagtay xeebaha Madagascar

Sahan media Muqdisho: Laba iyo labaatan qof ayaa ku dhintay ka dib markii laba doonyood oo ay la socdeen tahriibayaal ay kula qalibantay xeebaha Madagascar ee badweynta Hindiya, sida uu Sabtidii sheegay sarkaal.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya iyo Midowga Afrika Cabdullaahi Warfaa oo la hadlay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda ayaa sheegay in doonyahaasi ay saarnaayeen 70-qof oo rakaab ah — dhammaan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ma uusan shaacinin taariikhda dhacdadan balse waxa uu xaqiijiyay in meydad la helay Sabtidii.

Waxa uu sheegay in 48-qof oo rakaab ah ay soo badbaadiyeen kalluumeysatada,kuwaasi oo xaaladooda caafimaad loo qaaday isbitaallo.

“Baaritaan ayaa socda, waxaana haynaa magacyada dhibanayaasha, waxaana la wadaagi doonaa Doladda iyaga oo u sii maraya Wasaaradda Arrimaha Dibadda,” ayuu yiri.

Dowladda ayaan faah faahin ka bixin sababta shilkan keentay.

Badweynta Hindiya waxaa kor u kacay dhimashada muhaajiriinta sanadka 2024-ka.

Sidoo kale bishan Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha jasiiradaha Comoros, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM horaantii bishan.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haween, iyo caruur ay ka mid yihiin dadka dhintay, waxaana doonida ay si bareer ah ula qalibantay dad tahriibayaal ah.

Bishii Sebtembar, doon ay saarnaayeen 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo hooyo uur leh, ayaa ka dagtay xeebta Anjouan ee jasiiradda Comoros, iyadoo aan gaarin Mayotte, oo ah jasiirad ka mid ah jasiiradaha Comoros iyo waax Faransiis ah tan iyo 2011.

Siddeed qof ayaa lagu dilay bishii Agoosto dhacdo tan la mid ah, oo uu ku jiro wiil 12 jir ah.

Kumanaan dhibanayaal ah ayaa ku dhintay marinka socdaalka badweynta Hindiya iyagoo isku dayaya inay gaaraan jasiiradda lagu muransan yahay ee Mayotte.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments