Google search engine

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb geli doona wareegga 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xarriiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbadda uu ka jeedinayo Golaha waxa uu diiradda saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka Soomaaliya la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments