Sahan media Muqdisho: Jabriil Ibraahim Cabdulle Safirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Safirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomin.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu Warbaahinta uga warbixiyay muhiimada ay u leedahay in Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways maanta bilowdo Dulimad toos ah ay ku tagi doonto Muqdisho – Nairobi.
Tallaabadan ayaa qeyb weyn ka qaadan karto isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka, maadaama Dowladda Somaaliya dhawaan ku biirtay Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Shirkadaha ganacsiga ee ka soda wadamada gobolka ayaa sidoo kale la filayaa in ay xarumo ka furtaan dalka si loo horumariyo is dhexgalka dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bulshada Bariga Afrika.