Google search engine
HomeWararka DibaddaCeelasha saliidda Soomaaliya oo dhawaan qodistoodu bilaaban doonto

Ceelasha saliidda Soomaaliya oo dhawaan qodistoodu bilaaban doonto

Sahan media Muqdisho: Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo duleelinta ceelka shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiyay ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga qodi karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu.

Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed wasiirka batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo. 

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana degmada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka. 

Khuburadan ayaa intii ay joogeen Hobyo waxay si dhow ugu kuurgaleen saameynta qodista iyo soosaarista shidaalku ku yeelan karto deegaanka, gaar ahaan bulshada xeebaha ku nool ee u nugul nakhaska karboonka ee ka soo baxa lakabyada badda gunteeda ah ee shidaalku ku xanniban yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments