Google search engine
HomeWararka MaantaDhismaha ciidamada dallaayadaha ku booda oo la xoojinayo

Dhismaha ciidamada dallaayadaha ku booda oo la xoojinayo

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada yo xaqiijinta amniga,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya. “Waxay lafdhabar u yihiin dagaalka ka dhanka ah “AS” iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.” ayuu raaciyay.

Heshiiska ayaa qeexaya in xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgeliyo Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Waxaana Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Maraykanka ee dhanka Amniga Marwo Bonnie Denise Jenkins.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments