Google search engine
HomeWararka MaantaErdogan oo mar kale ku celiyay in ay difaacayaan madaxbanaanida Soomaaliya

Erdogan oo mar kale ku celiyay in ay difaacayaan madaxbanaanida Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Turkga Rajep tayyib Erdogan oo ku sugan Qaahira ayaa ballan qaaday in ay difaacayaan ilaalinta Soomaaliya oo ku jirto dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya. Erdogan oo dalkiisu heshiis difaac la galay Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan wada hadalnay Liibiya, Soomaaliya iyo Suudaan, waxaanan ku heshiinnay ilaalinta xornimada iyo midnimadaas.” “Waxaan si buuxda u taageersanahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo familka dalalka aan walaalaha nahay” ayuu kusii daray.

Booqashada Erdogan ee masar oo imaanaysa 12 sano kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dal ayaa dhawaanahan soo wanaagsanaanayey ayaa ka hadlay arrimo ay dalaka xulufada yihiin iyo kuwa kale Islaamka ee dhibaatooyinka ku dhex jira.

“Waxaan go’aansannay in aan kordhino xiriirka aan la leenahay Masar heer kasta oo ay tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Erdogan. Muuqashada milatari ee dalkani ka sameeyay dibadda ayaa sare usii kacaysay tobankii sano ee lasoo dhaafay isaga oo lagu arkay furimaha dagaalka ee dalalka sida Azerbaijan, Libya iyo Suuriya oo uu ka taageeray dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay isaga difaacdo weerarka Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments