Google search engine
HomeWararka MaantaMunaasabad lagu taageerayay dib u eegista dastuurka oo ka dhacday Muqdisho

Munaasabad lagu taageerayay dib u eegista dastuurka oo ka dhacday Muqdisho

Sahan media Muqdisho: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Hotel SYL kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay dhameystirka dib u eegista dastuurka, oo uu soo gaban qaabiyay Xildhibaan Guleed Biixi Cabdi.

Munaasaddan oo ay ka soo qeyb galeen bulshada geybaheeda kala duwan iyo Xildhibaanno, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ka jeediyay Khudbad uu kaga hadlay mihiimadda ay leedahay dhameystirka Dasturka, waxuuna sheegay in horumar uu u yahay jiritaanka qarannimada, sarreynta sharciga, iyo xaqa uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay in uu sameyn doono dhageysi dad-weyne oo aragtidooda ka dhiiban doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale kormeeray Xafliska Xiriirka Dadweynaha ee uu furay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo loogu adeego shacabka uu matalo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiira-geliyay inuu xoojiyo u adeegidda shacabka oo ah waajib Dastuuri ah oo mudan in Xildhibaanka lagu dhiira-geliyo, isagoona Xildhibaannada ugu baaqay in ay ku deydaan Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments