Sahan media Muqdisho:
Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa isku raaciyay in Soomaaliya ay noqoto musharraxa kaliya ee Bariga Afrika ee u tartami doona kusiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee aan joogtada ahayn.Â
Afrika ayaa waxay ku leedahay golaha amaanka ee Qarmada midoobey saddex kursi oo loo qoondeeyay Sadedax gobol kuwaas oo kala ah gobalka bari, gobolka waqooyi,gobalka galbeed.
Kursigaan oo kamida ah kuwa aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hadda ku fadhiya Mozambique oo ku matasha dalalka bariga Afrika.
Wasiiru dowlaha wasaarradda arrimaha dibada Soomaaliya ahan ku simaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar ayaa sheegay in kursiga aan Soomaaliya lagula tartami doonin
Wasiir Cali Cumar ayaa sheegay in laba dal oo kale oo Soomaaliya kula tartamayay kursiga ay u tanaasuleen oo marka la gaaro 2025-ka ay Soomaaliya ay rasmi ah u matali doonto gobolka Bariga Afrika.