Google search engine
HomeWararka MaantaSahan Ciidan oo isugu jira TurkiSom ayaa ka bilowday xeebaha Waqooyi Galbeed...

Sahan Ciidan oo isugu jira TurkiSom ayaa ka bilowday xeebaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya

sahan media Muqdisho: Saraakiil ka socota ciidamada badda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Jimcihii billaabay sahminta saldhigyo ciidan oo laga sameynayo gudaha badda, gaar ahaan xeebaha gobollada waqooyi ee Somaliland, si Itoobiya looga difaaco badda Soomaaliya.

Saldhigyada ugu muhiimsan waxaa lagu abaarayaa magaalooyinka Baki iyo Seylac oo ku yaalla goobo istaraatiiji ah, ilaa xeebaha ku dhow Jabuuti. Saraakiisha sameyneysa sahanka waxay isugu jiraan Soomaali iyo Turki, waxayna wataan diyaarado militeri, waxaana lagu wadaa in sahankaan ay ku jirayaan maalmahaan, maadaama la dejinayo qorshihii ciidamada Turkigu ay ku soo degi lahaayeen badda Soomaaliya.

Xeebaha gobolka Awdal ilaa xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti waa biyaha muhiimka ah ee laga difaacayo Itoobiya, waxaana dhankaas u badan doona saldhigyada ciidamada badda Turkiga.

Toddobaadyada soo socda waxaa lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay soo gaaraan maraakiib dagaal iyo ciidamo ka socda Turkiga, si loo guda-galo dhaqan gelinta heshiiskii difaaca ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga.

Sahanka ka socda badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka Turkiga uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, halkaas oo madaxweynaha Turkiga uu kula kulmay, arrimihii ay ka wadahadleena waxaa ku jirtay in la dedejiyo qorshaha ciidamada Turkiga lagu dejinayo xeebaha Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments