sahan media Muqdisho: Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha ee Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday duqii magaalada Baladweyne Marwo Nadar tabaax Maalin, isla wareegtadan ayaa xilka duqa magaalada Baladweyne loogu magacaabay mudane Cabdullaahi Salaad Kugeey, Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta si adag uga jawaabay xil kaqaadistaan lagu sameeyay marwo Nadar Tabaax Maalin.
Xildhibaan Buraale oo wareysi bixiyay ayaa tilmaamay in Dabageed uu yahay nin iska hadlay, balse aysan ka yeelin doonin in isaga iyo Cali Guudlaawe ay ku ciyaaraan reer Hirran.
“Dabageed waa nin iska hadlay, dadka reer Hiiraan waxa baaba’shay waaa Yuusuf Dabageed iyo kuwa lamid ah, laakiin wax dambe oo ay ku ciyaaraan ma jiri doonto, ilaahow 5 kun qof may ku dhintaan” ayuu yiri Buraale.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Way ku hadli karaan waxa ay rabaan, laakiin dad dambe oo ay u taliyaan meeshaas uguma imaanayaan”.
Dhinaca kale xildhibaanka Maxamed Buraale oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in marka la dhameeyo dastuurka xal laga gaari doono arrinta Hiiraan.
Waxaan rajeyneynaa marka dastuurka laga gudbo in siyaasadda soo kala jeedo iyo dhibka ka jiro gobolkeennii in xalkeeda la gaari doono” ayuu mar kaleyiri xildhibaanku.