Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr ayaa shalay xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre.
waxa uu tilmaamay Maxamed Abuukar Zubeyr in uu si iskiis ah u go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxuuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay shaqadan uu horey ugu igmaday.
Wararka ayaa sheegaya in dhowaan ay dhici doonaan isku shaandheyn iyo isbedello waaweyn oo lagu sameynayo Hay’adaha dowladda, siiba xilalka Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha iyo Masuuliyiinta dowladda.