sahan Media Muqdisho: Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa booqasho Tacsi ah ugu tagatay safiirka Imaaraatka Carabta ee Muqdisho safiir Axmed Jumca Al-Rumeysi.
Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Danjiraha Imaaraadka Carabta uga tacsiyeysay saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee 10- febraayo 2024 kadhacay Xerada Gen.Gordan.
Guddoomiye Sacdiyo iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada wadan Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.
Marwo Sacdiya ayaa uga mahadceliysay safiirka Imaaraatka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaaba.