Sahan media Muqdisho: Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaqday go’aanka xukunka eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo heystay dilka xaaskiisi oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdulcasiis oo u geeriyootey dhawaac ka soo gaarery dab uu qabadsiiyey Sayid Cali.
Kiiska dilka Luul Cabdulcasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa dad badan ka dhursugayeen xukunka maanta ay ridi doonto Maxkamadda Gobolka Banaadir, xukunkaas oo lagu dhawaaqay wax yar ka hor, kaas oo noqday dil toogasho ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in uu racfaan u furan yahay eedeysanaha.