Sahan media Muqdisho: Ciidamada badda Hindiya ayaa Jimcihii (15-kii Maarso) fashiliyay isku day ay burcad badeeda Soomaalida ku doonayeen in ay ugu adeegsadaan markab ay afduubteen falal burcad badeednimo.
Markabkan oo ay af-duubteen burcad badeed Soomaali ah 14-kii December, 2023, ayaa waxaa qabtay markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya 15-kii March.
Markabka xamuulka qaada ee ex-MV Ruen oo watay calanka Malta ayaa waxaa qabtay markab dagaal, waxaana loo qaaday tallaabo waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Intii uu socday howlgalkaasi, ayaa la sheegay in markabka Ruen uu rasaas ku furay markabka dagaalka ee ciidamada badda Hindiya, taasoo keentay in saraakiisha badda ay jawaab ka bixiyaan.
Ciidanka badda ayaa hadda qaadaya tallaabooyin waafaqsan sharciga caalamiga ah si ay u xalliyaan khatarta ka imanaysa markabka la afduubay.
Burcad-badeedda la socda markabka ayaa loogu baaqay inay isa soo dhiibaan oo ay sii daayaan markabka iyo cid kasta oo shacab ah oo ay gacanta ku hayaan si aanay raalli ka ahayn,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ay ciidammada badda ku soo saareen X.
Waxay dib u xaqiijisey sida ay uga go’an tahay amniga badda iyo badqabka badmaaxiinta gobolka.