Google search engine
HomeWararka MaantaC/aahi Sufurow oo wax qabad la’aan looga qaaday xilkii gudoomiyaha gobolka

C/aahi Sufurow oo wax qabad la’aan looga qaaday xilkii gudoomiyaha gobolka

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ka qaaday Cabdillaahi Maalin Sufurow oo xilkaas hayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa Hirshabeelle, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay Hiiraan State.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday Sufurow.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan, waxana lagu magacaabaa Muuse Salaad Weheliye.

Lama garanayo sida gudoomiyaha cusub uga shaqeyn karo magaala madaxda Beledweyne, maadaama ay gacanta ku hayaan maamulka didan Hirshabeelle ee Hiiraan State.

Khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan ayaa muddaba soo taagnaa, waxana waxgaradka deegaanku saluugsan yihiin habka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments