Sahan media Muqdisho: Hay’adda Tayadhowrka Qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah Dekedda Muqdisho ku qabtay Kunteenar ay ku jiraan 249 kartoon oo Tubaako ah, kaasi oo qayb ka ah ka hortagga Maandooriyaha Caasimadda.
Agaasimaha Xafiiska Tayadhowrka Soomaaliya Maxamuud Cilmi Diirshe oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Hay’addu ay Kunteenarkan ku wareejisay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan carabaabin in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen dadkii lahaa maandooriyaha iyo in kale.
xayaysiisyada “Shixnadan maandooriyaha ah waxaan ku qabanay 23/03/2024 dekedda, taasoo khatar ku ah caafimaadka bulshada oo mamnuuc ah in dalka la soo geliyo,” ayuu raaciyay.
Hay’adda ayaa sidoo kale uga digtay dadka ku sugan goobaha ganacsiga in ay dalka soo geliyaan waxyaabaha maanka dooriya ee wax u dhimaya amniga iyo nolosha bulshada.
Qabashadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo todobaad ka hor ay hay’addu ku qabatay dekedda Muqdisho bur dhacay, kaasoo markii dambe lagu wareejiyay ciidamada booliiska.