Google search engine
HomeWararka MaantaJames Swan oo loo magacaabay sii hayaha UNSOM

James Swan oo loo magacaabay sii hayaha UNSOM

Sahan media Muqdisho: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Swan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, kadib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahad-celiyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Kahor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments