Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomin doona Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya doona Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Shirkan ayaa waxaa agu lafa-guri doono arrimaha dhameystirka dastuurka, qabyada ah oo aas-aaska u ah hannaanka dowlad dhiska iyo gaarista siyaasad xasiloon oo ay Soomaaliya ku naalooto mustaqbalka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.
Wasiirka ayaa intaas ku darey in kulankan sidoo kale looga doodi doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada kooxda Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda.
“Guul ka gaarista dagaalka Khawaarijta wuxuu muhiim u yahay in Soomaaliya si buuxda nabad looga islaaxiyo, dalkuna u jiheysto dhanka horumarka iyo inuu wax la qabsado caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.
Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadan uu madaxweynaha ku martiqaadey madaxda goboleedyada, si ay shirkan muhiimka ah uga qeyb galaan ay tilmaameyso sida dowladda federaalka uga go’an tahay balaarinta wada-tashiyada siyaasadeed ee wadar oggolka ah ee lagu gaarayo go’aamada masiiriga ee dalka, iyada oo la raacayo dastuurka dalka u degsan iyo hay’adaha sharciga ee dastuurka lagu qeexay.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta furmaya ayaa waxaa ka qeyb-galaysa SSC-Khaatumo, ayada oo hogaamiyaha maamulka KMG ah uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Mr. Firdhiye ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirkan muhiim ah, kadib casuumaad uu ka helay madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaana uu shirkaan imaanaya xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland.
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaan ka qeyb-geli doonin shirkan maanta ka furmaya Muqdisho.