Sahan media Muqdisho: Muuqaal aad u qurux badan ayaa ka soo cusboonaaday goob lagu cunteeyo iyo fardo dhaqameedka Soomaalida, taasoo qayb ka ah toddobaadka dhaqanka ee jaamacadda, kaasoo billowday Sabtidii.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo xarunteedu tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Daahir Xasan Carab, ayaa furitaankii munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay munaasabadda, isagoo xusay in toddobaadka dhaqanka ay ugu talagaleen in ardayda lagu kordhiyo fahamka dhaqanka Soomaaliyeed. .
“Waxaan hiigsaneynaa inaan ardaydeena ku beerno han weyn oo aan xasuusinno hodantinimada Soomaalida, ma jirto ummad ka sareysa mid kale, waa dadaalka iyo ilaalinta dhaqanka ayaa ku kala duwan nahay,” ayuu Carab u sheegay ardaydii iyo macalimiintii ka soo qeybgashay xaflada.
Waxa uu intaa ku daray in xafladan oo soconaysa muddo todobaad ah ay tahay mid dabaal-deg iyo khibrad waxbarasho ah.
Xasan Cabdifitaax oo ah guddoomiyaha ururka ardayda ee Jaamacadda SIMAD ayaa sharraxay muhiimadda ay leedahay soo nooleynta iyo ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed. “Soomaali ahaan, waxaan leenahay dhaqan qani ah oo gaar ah, ceeb ayay ahaan lahayd inaan aragno dhaqankeenna oo lumaya, waa mas’uuliyad na saaran inaan xasuusino asaageenna hidaha iyo dhaqanka, toddobaadkan waa mid nooga duwan todobaadyada kale dhammaanteen.
Ardaydu waa ka-qaybgalayaasha muhiimka ah iyo ka faa’iidaystayaasha dhacdadan.
Sakariye Maxamed oo ka mid ahaa ardaydaasi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay soo bandhigida dhaqamada kala duwan ee Soomaaliya.
“Waxaan soo bandhigeynaa qeybaha kala duwan ee dhaqankeena oo ka kala imaanaya dhamaan gobolada dalka Soomaaliya, ma dhici karto in jiilka hadda jira ay illoobaan dhaqamadii quruxda badnaa ee aan ka dhaxalnay awoowayaasheena” ayuu yiri.
Maxamed waxa uu intaa ku daray in isaga oo dhalinyaro ah uu ka faa’idaystay in uu barto waxyaabo aanu hore u aqoon oo ay ka mid yihiin sida loo qabto ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee Soomaalida.
Maryama Yuusuf, oo ah ardayad wax ka barata kuliyadda sharciga, ayaa iyaduna aad ugu faraxsan ka qayb galka toddobaadka dhaqanka.
“Waa markii ugu horeysay oo aan ka qeyb galo todobaadka dhaqanka ee SIMAD, runtiina waa ii iftiimisay, waxaan bartay cuntooyinka kala duwan ee dhaqanka iyo xitaa sida loo isticmaalo maacuunta cuntada ee u gaarka ah miyigeenna,” ayay tiri. Aardaydu waxay dareemayaan inay barteen wax cusub oo ka dhigi doona inay qadarinayaan caadooyinkooda.
Ardayda Jaamacadda SIMAD oo ilaalinaya dhaqankooda munaasabadaha noocan oo kale ah waxay xaqiijinayaan in bilicda iyo taariikhda Soomaaliya ay sii wadi doonaan.