Sahan media Muqdisho: Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu is casilay isagoo ka mudaaharaadaya taageerada Washington ee dagaalka Israel ee Gaza.
Harrison Mann, oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayaa ku sheegay warqadii iscasilaada ee uu ku daabacay LinkedIn in “taageerada aan u qalmin ee Maraykanku” ee Israa’iil ” ay awood u siisay dilka iyo gaajada tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah oo aan waxba galabsan.”
Isagoo sheegaya in shaqadiisa “aan shaki ku jirin inay gacan ka geysatay taageeradaas,” Mann wuxuu yiri: “Tani waxay i keentay ceeb iyo dambi aan la rumaysan karin.”
“Taageeradan shuruud la’aanta ah waxay sidoo kale dhiirigelinaysaa kororka taxadar la’aanta ah ee khatarta u ah dagaal ballaaran,” ayuu raaciyay.
Bishii hore ayay ahayd markii Hala Rharrit oo ahayd afhayeenkii wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsanaa bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika, ay is casishay iyada oo ka cabanaysa siyaasadda maamulka Biden ee marinka Gaza.
Rharrit waxa ay doorar kala duwan ka soo shaqeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda tan iyo 2005tii, waxayna ahayd afhayeen u ah Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika tan iyo Agoosto 2022, sida laga soo xigtay boggeeda LinkedIn.
Waa sarkaalkii saddexaad ee ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo si fagaare ah isaga casishay tan iyo 7-dii Octobar ka dib markii Annelle Sheline, oo ah sarkaalka arrimaha dibadda u qaabilsan Xafiiska Dimuqraadiyadda, Xuquuqul Insaanka iyo Shaqada, ay ku dhawaaqday inay iska casishay bishii hore iyo Josh Paul, oo ahaa agaasimihii hore ee Xafiiska Siyaasadda -Arimaha Millateriga, ayaa si cad ugu dhawaaqay inuu is-casilay Oct. 19.