Google search engine
HomeWararka MaantaDanta Itoobiya ee dakadaha Soomaaliya

Danta Itoobiya ee dakadaha Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Sannadkii hore, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay helitaanka badda arrin jirta.

Itoobiya waxay lumisay dekedihii ay lahayd markii ay Eritrea goosatay horraantii sagaashamaadkii. In ka badan 100 milyan oo qof, waa dalka ugu dadka badan adduunka oo aan bad lahayn.

Hadalka Abiy ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in Itoobiya ay isku daydo inay xoog ku gaarto hadafkeeda.

Waxa ay heshiiska Somaliland la gashay ku tilmaantay mid taariikhi ah, waxaanay ku nuuxnuuxsatay in ujeeddadiisu tahay mid nabadeed balse ay muhiim tahay in Itoobiya ay gaarto yoolkeeda.

Waxaa muranka soo dhexgalay Ankara oo xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah kaas oo Turkigu ka caawinayo ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidamada badda ee Geeska Afrika.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Itoobiya ayaa codsatay in Turkiga uu fududeeyo wada hadallada.

Waxaa la soo jeedinayaa in Addis Ababa ay aad u daneyneyso in xiisadda la qaboojiyo, iyadoo Soomaaliya ay olole diblomaasiyadeed oo ballaaran ku dooneysay inay taageero uga hesho dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale dalalka Khaliijka.

Si kastaba ha ahaatee, “ma jiraan wax calaamado ah” oo weli muujinaya in Itoobiya ay doonayso inay ka baxdo heshiiska, ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abi Axmed ayaa mar Kale ku celiyay in dalkiisu uu helo bad ay tahay arrin muhiim ah, isagoo xusay in heshiiskii is afgaradka- ahaa ee ay horranatii sanadkaan la galeen Jmahuuriyadda iskeed madax bannanaida ugu dhawaaqada ee Somaliland aanu micnihiisu aheyn in ay su’aal ka galinayaan midinimada Soomaaliya.

Abiy ayaa intaa raaciyay in haddii dowladda Soomliya ay tabsho qabta ay ahayd in iyaga ay kala hadasho halkii ay dalala kale ku dacweyn laheed.

Wuxuu sheegay in arrintaa looga maarmi lahaa in qarasha badan uu dowladda ka baxo.

“Dawladda Soomaaliya haddii ay tabasho naga qabto waxa ku filnayd hal duullimaad iyo kulan qudha oo hal saac ah. Waa wax aad u fudud. Maxaa yeelay xumaan uma haynno Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya, in ay annaga na la hadasho waxa ay ka dooratay in meelo badan ay wareegto oo ay na dacwayso. Waxa aan kula talinayaa lacagta ha daadaadinina. Dal kasta oo aan tagno lacag ayaa innaga khasaaraysa. In lacag la khasaariyo waxa ka wanaagsan in aan samaynno hal kilo meter oo dadku ku lugeeyo ama hal dugsi oo aan Muqdisho ka dhismo oo dadku ka faa’iidaystaan” ayuu yiri Abiy Axmed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments