Google search engine
HomeWararka Maantaxogta uu qoray wargays Ithiopian ah oo la beeniyay

xogta uu qoray wargays Ithiopian ah oo la beeniyay

Sahan media Muqdisho: Xogta uu baahiyay wargeyska African heral oo ay iska fogeysay dawladda Maraykanka ayaa waxa dhigeysay wax ay ku sheegeen nuxurka wadahadalka dhexmray ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika oo tagay Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wargeyskan ayaa maqaalka uu daabcay waxaa uu ku sheegay xog ay iska fogaysay dowladda Maraykanka oo ku saabsanayd in ergayga Maraykanka ee Afrika Mike Hammer uu Madaxne Xasan Sheekh kala hadlay xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Soomaaliy, taas oo ka dhalatay heshiiskii Is afgaradka ahaa ee bilowgii sanadkan ay kala saxiixdeen Hargaysa iyo Addis Ababa.

Waxaa kale oo wargayska maqaalkiisa lagu sheegay in Hammer, uu soo hadal qaaday in la in la ixtiraamo xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo la muujinayo faa’iidooyinka ka dhalan kara xiriirkaasi u leeyahay nabadda iyo horumarka gobolka.

Hadaba ergayga Maraykanka ee Afrika Hammer ayaa horre u cadeeye mowqfika Maraykanka ee ku aadan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya isagoo xilligaas ka hadlayey shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee bilowgii sanadkan ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

“Sida aan marar badan ku cecelinay Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbanaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah”ayuu yiri Hammer oo khudbad ka jeedinayey shirkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments