Sahan media Muqdisho: Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay beegsadeen markab laga leeyahay dalka Liberia oo marayey gacanka Cadmeed, iyagoo sheegay inay weerarkoodii ugu horreeyey ku qaadeen maraakiib tan iyo markii Israa’iil ay weerar cirka ah ku qaadday magaalada dekedda ah ee Xudeydah 20-kii July.
Af hayeenka melleteriga Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa hadal uu taleefishinka ka jeediyay Axadii waxa uu sheegay in markabka MV Groton lagu weeraray gantaalada balaastikada ah.
Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska iyo shirkadda ammaanka ee Ingiriiska Ambrey ayaa sheegay in markabkan lala beegsaday Sabtidii meel 125 nautical miles (230km) bari ka xigta dekedda magaalada Cadan ee dalka Yemen. Labaduba waxay yiraahdeen wax biyo ah oo soo galay ama saliid ka daadanayo lama arag.
Xarunta Macluumaadka Badaha ee Wadajirka ah (JMIC), oo ah isbahaysi caalami ah oo ay kormeeraan ciidamada badda ee Mareykanka, ayaa sheegay in dhammaan shaqaalihii markabka saarnaa ay bad qabaan “markabkuna waxaa la sheegay in uu u leexday deked u dhow,”
Markabka Groton ayaa ka ambabaxay magaalada Fujairah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta isagoo ku sii jeeday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga. Maamulayaasha Giriigga ee Groton kama aysan jawaabin codsi faallo ah.
Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii ay muuqatay in uu hakad galay kadib weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Xudeydah, kaas oo dhacay maalin kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo dirtay kooxda xulafada la ah Iran ay garaacday xarunta dhaqaalaha Israel ee Tel Aviv.
JMIC waxay sheegtay in markabka “la beegsaday sababtoo ah maraakiib kale oo ku jira qaab dhismeedka shirkadooda oo wicitaanno deked ah dhawaan ka sameeyay Israa’iil”.
Dib u soo laabashada weerarada Xuuthiyiinta ayaa imaanaya ka dib markii todobaadkii hore la dilay madaxii siyaasada ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee dalka Iran iyo taliyihii ciidamada Xisbullah ee Beyruut iyadoo ay soo cusboonaatay walaaca laga qabo dagaal ka qarxa gobolka.
Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaaday maraakiibta caalamiga ah ee u dhow Yemen tan iyo bishii November iyaga oo garab istaagaya Falastiiniyiinta xilli uu socdo dagaalka Israel ay ku hayso Gaza.
Fallaagada oo gacanta ku haysa inta badan waqooyiga iyo galbeedka Yemen oo ay dadka sida aadka ah u deggan yihiin, oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa in ka badan 70 markab oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la beegsaday olole ay ku dileen afar badmaaxiin ah. Waxay qabteen hal weel, labana waxay quusiyeen. Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah ayaa la sheegay in ay qabteen xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee ku sugan badda cas ama ay la dhaceen ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.
Weeraradan ayaa horseeday duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaana ay hakad geliyeen ganacsiga caalamiga ah iyadoo milkiilayaasha maraakiibta ay maraakib ka fogeeyeen badda cas iyo kanaalka Suweys si ay u maraan wadada dheer ee cirifka koonfureed ee Afrika.