Google search engine
HomeWararka MaantaMaxay yihiin diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee lagu qabtay Puntland?

Maxay yihiin diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee lagu qabtay Puntland?

Sahan media Muqdisho: Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ama Daacish, iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen.

Xubnaha la sheegay oo todoba ayay ciidamada amaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan.

“Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, ka dib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Xubnaha ayaa la sheegay in qaarkood lagu qabtay dayaaradaha aan duuliyaha lahayn, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

Dayaaradahaas aan duuliyaha lahayn oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaa ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo.

“Markii aan dabagal ku samaynay ka dib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen” ayuu yiri sarkaalka.

Dayaaradaha aan duuliyaha lahayn oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaasoo baaritaan lagu wado.

Sarkaalka ka tirsan madaxda ciidanka Puntland faahfaahin kama uusan bixin baaritaanka.

.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments