Google search engine
HomeWararka MaantaCiidamada Kenya oo ka baxay xerada Kudhaa J/hoose

Ciidamada Kenya oo ka baxay xerada Kudhaa J/hoose

Sahan media Muqdisho: Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in ay si rasmi ah ugu wareejiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya saldhiga Kudhaa, taasi oo ka dhigan wajigii saddexaad ee dhimista ciidamada.

ATMIS ayaa sheegtay in saldhiga Kudhaa oo ku yaala gobolka Jubada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya ay tan iyo sanadkii 2015-kii ku sugnaayeen ciidamada Kenya, isla markaana ay door muhiim ah ka qaateen ilaalinta magaalada Kismaayo oo ah goob istiraatiiji ah.

“Wareejintan waxay muujineysaa kartida iyo rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ah inay sii wado la wareegida mas’uuliyadda amniga, iyadoo ay taageereyso ATMIS,” ayuu yiri taliyaha ciidamada ATMIS Injineer Suleymaan Ibraahim oo hadal ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay ciidamada KDF-ta ee sugidda ammaanka gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna kula dardaarmay ciidamada Soomaaliya ee imaanaya inay feejignaan muujiyaan, ayna ilaaliyaan dhaxalkii ay ka tageen kuwii ka horreeyay.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa sanadkii 2015-kii waxaa Al-Shabaab ka saaray ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, taasi oo meesha ka saartay howlgalladii ay kooxdaasi ka waday Koonfurta Soomaaliya.

Sakariye Maxamed Cumar oo ah wakiilka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay wadashaqeynta ciidamada huwanta ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan gobolka.

“Al-shabaab waxay cadaw ku yihiin Kenya, Somalia, Ethiopia, iyo dal kasta oo Afrika ka tirsan iyo caalamka oo dhan, waa inaan iska kaashanaa sidii aan u hoos u dhigi lahayn khataraha cadawgaas ay geysanayaan,” ayuu yiri Cumar.

ATMIS ayaa ilaa hadda lix saldhig oo ciidan ayay ku wareejisay ciidamada nabad sugidda Soomaaliya, waxaana la dhimay 2,000 oo askari, taasoo qeyb ka ah wejiga seddexaad ee dhimista ee ay ansixiyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya kala baxay 5,000 oo askari, waxaana lagu wareejiyay 17 saldhig oo ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1-aad iyo 2-aad ee dhimistii 2023-ka.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments