Google search engine
HomeWararka MaantaBaarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay sharciga doorashada guud ee dalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay sharciga doorashada guud ee dalka

Sahan media Muqdisho: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka doorashada, kaasoo u gudbaya doorashada guud ee dalka ka dib tobanaan sano oo hab beeleed lagu soo dooranayay.

Xeerkan oo ogolaanaya hal qof iyo hal cod, isla markaana bedelaya nidaamka adag ee cod bixinta dadban ee hadda jira, waxa u codeeyey 169 xildhibaan, laba diiday, hal mudanena wuu ka aamusay.

Dalka Bariga Afrika waxa ka jira nidaam doorasho oo dadban, kaas oo ergada qabaa’ilka ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka qaranka, ka dibna dooranaya madaxweynaha.

Nidaamkan cusub ayaa madaxweynaha si toos ah loo dooran doonaa. Doorashada soo socota ee madaxweynaha ayaa loo qorsheeyay 2026.

Wax-ka-beddelka ayaa sidoo kale abuuray nidaamka xisbiyada badan oo leh saddex xisbi siyaasadeed.

Inkasta oo ay ka soo horjeesteen maamullada Puntland iyo Jubba, iyo madaxweynayaashii hore, haddana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xildhibaannadu doorteen 2022, ayaa dabayaaqadii bishii Oktoobar ku dhawaaqay in xisbiyada siyaasadda ay ku heshiiyeen hannaanka doorasho ee caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments