Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in markabka Oruc Reis uu dhameeyay boqolkiiba 50 cilmi baarista seismic ee badda Soomaaliya.
Markabka Turkiga laga leeyahay ee Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee la soo dhaafay howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.
Bayraktar ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdigiisa, sida uu Wasiirka Turkiga ku sheegay qoraal uu Jimcihii X.
Labada wasiir “waxay ka wadahadleen habka soo socda ee hawlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee aan ku horumarin karno dhulka.”
Bayraktar ayaa sidoo kale kulanka ka dib ku dhawaaqay in la bilaabayo hannaan iskaashi oo cusub oo dhanka macdanta Soomaaliya ah.
“Waan sii wadi doonaa dadaalkeena ku aadan sidii aan iskaashigeena dhanka tamarta iyo macdanta u gaarsiin lahayn heer u qalma xiriirka dhow iyo midka daacada ah ee ka dhexeeya dalalkeena,” ayuu raaciyay.
Oruc Reis waxa uu baadhitaano seismic-ka-cabbir ah ka wadaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ururinaya xogta sahaminta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah muddo ku dhow lix ilaa toddoba bilood.
Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa caasimadda Turkiga ee Ankara si loo ogaado meelaha laga qodi karo.