Sahan Media Muqdisho: Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday xeebaha Garmaal ee gobolka Nugaal ayaa lagu dilay afar ka mid ah rag hubaysan oo shalay afduubtay markab ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Afarta nin ayaa watay doon yar, waxaana duqeynta lala beegsaday xilli ay u dhaqaaqayeen dhanka berriga. Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa sheegay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee duqeynta fulisay ay leedahay dowladda Turkiga.
Ragga la duqeeyay ayaa ka tirsanaa Siddeed burcad-badeed ah, kuwaas oo shalay afduubtay markab lagu magacaabo M/V LUTUF, kaas oo lagu qabtay xeebta Marraya ee degmada Eyl.
Markabka ayaa la sheegay inuu ku safrayay calanka Cameroon, isla markaana ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. Waxaana la sheegay in uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho, waxaa saarnaa 10 shaqaale ah oo ay ku jiraan lix Hindi ah, hal Turki ah iyo hal Georgian ah, iyo laba ilaalo ah oo aan weli la xaqiijin jinsiyaddooda.
Xogta la helayo ayaa tilmaamaysa in burcad-badeeddu ay afduubka u adeegsadeen markab kale oo horey gacantooda ugu jiray oo lagu magacaabo MV Sward, kaas oo la sheegay inuu siday qalab bacriminta beeraha.
Afarta nin ee duqeynta lagu dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen kooxdii markabka afduubatay, iyadoo weli la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda afduubayaasha kale iyo shaqaalihii saarnaa markabka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay xeebaha Soomaaliya ka soo cusboonaadeen weerarrada burcad-badeedda, kuwaas oo khatar ku ah maraakiibta ganacsiga ee ku socda biyaha Soomaaliya.


