Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Badda Turkiga oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo furteen markabka MV LATUF, oo ay burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto, xilli uu marayay agagaarka xeebta Jiifle ee degmada Eyl, ee gobolka Nugaal.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka oo socday muddo 10 maalmood ah ayaa lagu burburiyay afar doon oo la sheegay inay burcad-badeeddu adeegsanayeen, halka 14 qof oo lagu tilmaamay burcad-badeed lagu dilay howlgalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga ay si buuxda ula wareegeen markabka MV LATUF, kaas oo hadda dib loogu soo celiyay gacanta kooxdiisii.
Howlgalkan ayaa, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku salaysnaa heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo xoojinaya wada shaqeynta labada dal ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badda iyo la dagaallanka burcad-badeednimada.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in burcad-badeednimadu tahay fal-dambiyeed culus oo horseedi kara ciqaab adag, iyadoo digniin u dirtay kooxaha ku lugta leh falalka burcad-badeednimada iyo cid kasta oo taageerta.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dib uga soo cusboonaadeen walaacyada la xiriira burcad-badeednimada xeebaha Puntland, iyadoo dhacdada markabka MV LATUF ay sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan cidda ka dambeysa afduubka iyo xaaladda amni ee xeebaha Nugaal.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Turkiga iyo dalalka kale ee saaxiibka ah si loo xoojiyo amniga xeebaha loogana hortago burcad-badeednimada.


