HomeWararka MaantaWaxaa socda dadaal xilalka looga fogeeyo saraakiisha ka soo horjeeda damaca Wiilka...

Waxaa socda dadaal xilalka looga fogeeyo saraakiisha ka soo horjeeda damaca Wiilka Musevini ee ah inuu noqdo madaxweynaha dalka.

Sahan Media Muqdisho: Milatariga Uganda, xitaa jeneraalada darajooyinka sare leh ayaa ogaanaya in darajadoodu aanay wax badan ka tari karin inay ka badbaadaan tallaabooyinka adag ee taliyaha awoodda badan ee ciidanka dalkaas.

15-kii bilood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 12 jeneraal iyo saraakiil sare oo milatari ah ayaa la xiray intii uu xilka hayay Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Xariggan ayaa walaac ka dhex abuuray hoggaanka sare ee milatariga.

Xariggan ayaa dhacaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira cidda beddeli doonta Museveni, oo Uganda xukumayay muddo afartan sano ah.

Jeneraal Kainerugaba oo 52 jir ah ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay qofka laga yaabo inuu xilka madaxweynaha kala wareego Museveni, inkasta oo damaciisa siyaasadeed uu u muuqdo mid iska caabin kala kulmaya xubnaha xisbiga talada haya.

Toddobaadkan, waxa uu ku hanjabay inuu xilka ka qaadi doono madaxweyne ku-xigeenka dalka, Jessica Alupo, isla markaana ay suuragal tahay in la xiro, isaga oo sidoo kale soo jeediyay inuu isagu qabto xilkaas.

Xisbiga talada haya ee National Resistance Movement (NRM) ayaa beeniyay wararka sheegaya in hoggaankiisa sare uu diiday soo jeedin lagu taageerayay Jeneraal Kainerugaba si uu u noqdo madaxweynaha xiga. Xisbigu waxa uu wararkaas ku tilmaamay kuwo “gebi ahaanba been ah”.

Arrimahan oo dhan ayaa sii xoojiyay mala-awaalka ah in xarigga saraakiisha milatarigu qayb ka yahay dadaal lagu doonayo in xilalka looga fogeeyo saraakiisha ka soo horjeeda damaca Jeneraalka ee ah inuu noqdo madaxweynaha dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments