Sahan media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal ay la galaan Soomaaliya sababo la xiriira baadi-goobka ay Itoobiya ugu jirto bad, isaga oo sheegay in Itoobiya ay dooneyso kaliya inay nabad la wadaagto deriskeeda.
Abiy oo si weyn u difaacay heshiiskii uu la galay maamulka Somaliland waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo leh mabda’a ah wax bixi oo qaado’.
Kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ayaa gudaha Soomaaliya ku dhintay iyaga oo la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, sidda uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. “Ma jiro qof u dhintay Soomaaliya oo aan ahayn Itoobiya,” ayuu raaciyay xilli uu ka hadlayay fadhiga Golaha Shacabka Itoobiya.
“Ma lihin wax qorshe aan ku dhibaateyno Soomaaliya… Waxaan rajaynaynaa in aan aragno Itoobiya oo ka faa’iideysanaysa Soomaaliya iyo labadooduba oo barwaaqo ah,” ayuu yiri.
Waxa uu xusay in ay jiraan Soomaali badan oo ku nool dalka Itoobiya. Wuxuu tibaaxay in afar wabi oo Itoobiya ka baxa ay Soomaaliya ka caawiyaan wax soo saarka cuntada.
Hadalka Abiy ayaa kusoo hagaagayaa maalin kadib markii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeystay in wadahadal la galayo Itoobiya kaliya marka ay ka noqoto hesiiska beenaadka Somaliland.