Sahan media Muqdisho: Nageeye Cali Khaliif oo 100 maalmood ka hor u goostay kooxda Al-Shabaab ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey, isagoo soo bandhigay xogo badan oo ku saabsan sababta uu ugu biiray.
Nageeye ayaa sheegay in rabitaankiisa uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay inuu xaqiijiyo hadafkiisa.
Waxaa la weydiiyey sababta uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, balse isagoo aan toos uga jawaabin su’aashaas ayuu sheegay in markii hore uu xalka Soomaaliya ka soo raadiyey Xamar, markii ay waxaba u suutageli waaysayna uu ku soo biiray Al-Shabaab.
Nageeye wuxuu sheegay in Soomaaliya la kala jarjaray, isla markaana ay u baahan tahay in la badbaadiyo, taas oo ku kaliftay inuu ku soo biiro argagixisada.
Nageeye intii uu waday wareysigaan wuxuu sheegay in diyaarad ay dul-dhawaaqeyso, isagoo sheegay in danteeda ay wadato diyaaradaas ee dan Soomaaliyeed aysan ka shaqeyneyn.
Waxaa la weydiiyey wixii uu dareemay markii dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugeen inuu ku biiray Al-Shabaab oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ka hadleen, wuxuuna ku jawaabay in mabda’ ay ku kala tageen isaga iyo dadkii uu kula noolaa jiray Muqdisho.