Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo ay weheliyaan xubno katirsan golaha xukuumaddiisa ayaa Magaalada Doha ee dalka Qadar kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba, iyagoo ka arrinsaday xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.
Muddadii uu socdey kulankada labada dhinac ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyey xiriirka labada dal, sidii loo horumarin lahaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo horumarineed, iyo sidoo kale xaaladaha ka taagan gobolka iyo arrimaha ay labada dhinac daneynayaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba, ayaa adkaysay xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya, iyadoo tilmaantay inay labada shacab ka dhexeeyaan xiriirro bulsho, ganacsi iyo walaaltinimo oo soo jireen ah.
Xukuumadda Yeman ayaa sidoo kale mar kale caddeysay mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya ama faragelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.


