HomeWararka MaantaPakistan oo diidday inay bixiso lacag madax furasho ah

Pakistan oo diidday inay bixiso lacag madax furasho ah

Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ishaq Dar, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku qasban yahay inuu raaco xeerarka caalamiga ah ee badaha, kuwaas oo aan oggolayn in madax-furasho loo bixiyo sii-deynta 10 badmaaxiin Pakistani ah oo ay haystaan burcad-badeed Soomaali ah.

Dar ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu magaalada London kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha, IMO, Arsenio Dominguez, kaas oo ay uga wada hadleen xaaladda badmaaxiinta la haysto.

10-ka badmaax ayaa tan iyo bishii Abriil gacanta ugu jira burcad-badeedda, kaddib markii la qafaashay markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25 oo sita calanka Palau.

Dowladda Pakistan ayaa dadaallo ku bixinaysa sidii loo sii dayn lahaa shaqaalaha markabka, halka qoysaskooda ay dowladda ka dalbanayaan in ay xoojiso dadaallada lagu xaqiijinayo in si nabad ah loogu soo celiyo dalkooda.

Qoysasku waxay sheegeen in maxaabiistu ay wajahayaan xaalad adag, iyadoo ay gabaabsi ku noqdeen biyaha la cabbo iyo raashinka ay haystaan.

“Waxaa jira mabaadi’ caalami ah iyo xeerar dhinaca badaha ah oo ay tahay in la raaco, Pakistan-na way raacaysaa,” ayuu Dar u sheegay wariyeyaasha magaalada London.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah mabaadi’daasi uu yahay inaan la gorgortamin ama madax-furasho loo bixin dadka la haysto, maadaama tallaabadaasi ay dhiirrigelin karto burcad-badeedda inay weerarro kale qaadaan, gaar ahaan maraakiibta iyo dalalka ay u arkaan inay diyaar u yihiin bixinta lacag madax-furasho ah.

Dar ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay madaxa IMO uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrinta badmaaxiinta ayna sameeyeen istaraatiijiyad wax looga qabanayo xaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa horay ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo milkiilaha markabka MT Honour 25 inay hubiyaan in shaqaalaha la haysto ay helaan cunto, biyo la cabbo iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah inta ay socdaan dadaallada lagu sii deynayo.

Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabo militari ama sharci-fulin ah oo lagu soo furto badmaaxiinta ay tahay mid adag, maadaama markabka uu sido xamuul shidaal ah oo qarxi kara, taasoo sare u qaadaysa khatarta hawlgal kasta oo lagu samayn lahaa markabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments