HomeWararka MaantaIsimada beelaha Cali Saleebaan oo bayaan kasoo saaray howlgalka ciidan ee deegaanka...

Isimada beelaha Cali Saleebaan oo bayaan kasoo saaray howlgalka ciidan ee deegaanka Kodmo

Sahan Media Muqdisho: Isimada dhaqanka waxay sheegeen in hubka ay wataan ciidanka halkaas tagay oo federaalka sheegtay) uu yahay hanti dad gaar ah leeyahay, islamarkaana aysan jirin hub ka dhigis heshiis lagu yahay oo xilligan ka hirgashay Puntland.

Waxay tilmaameen in awood sheegasho cid gaar ah aysan dhisi karin maamul waara, kursi ummadeedna aan lagu sii joogi karin xoog iyo kala-qaybin bulsho.

“Hub ka dhigis haday jirto waa in heshiis lagu yahay, gacan lagu kalsoonyahay ay gashaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

“Waxaan madaxda Puntland u caddeyneynaa in awood sheegasho koox gaar ahi aysan dhisi karin maamul waara, kursi ummadeedna aan lagu sii joogi karin xoog iyo kala-qaybin bulsho” ayaa la raaciyay.

Deegaanka Kodmo ee degmada Baxo-raako waxaa ka taagan xiisad u dhaxaysa Puntland iyo ciidan sheegtay in ay ka tirsan yihiin federaalka oo maalmo ka hor ka guuray degmada Carmo, iyada oo ay jirto waan-waan laga dhexwado labada dhinac.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments