Google search engine
HomeWararka Maantalaba weerar oo ka dhacay Dhanaane iyo Jilib-marka

laba weerar oo ka dhacay Dhanaane iyo Jilib-marka

sahan media Muqdisho: Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro culus oo ay Al-Shabaab maanta ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa weeraradan usoo abaabushay si qorsheysan, waxayna kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray.

Weerarka koowaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ay ciidamada Booliska sida millatariga u tababaran ku lahaayeen deegaanka Jilib Marka, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo xubnaha weerarka soo qaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in weerarkaasi lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaas oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga Muqdishio agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka soo weeraray.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa isna lagu qaaday fariisin ay ciidanka Harmacad ku leeyihiin deegaanka Dhanaane, halkaas oo iyana lasoo wariyay inuu ka dhacay dagaal kale. Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay muddo kooban la wareegtay goobaha lagu dagaalamay, ayna dab qabadsiisay xerooyinka ciidamada ee ay la wareegtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments