Google search engine
HomeWararka DibaddaWeerarkii hoolka riwaayadaha ee Moscow imisa ayay marayaan dhimashada iyo dhaawaca?

Weerarkii hoolka riwaayadaha ee Moscow imisa ayay marayaan dhimashada iyo dhaawaca?

Sahan media Muqdisho: Kooxda ISIS-K (ISIL) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar bahalnimo ah oo lagu qaaday hoolka magaalada Moscow ee Crocus, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 93 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 187.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in dhowr nin oo hubeysan ay soo galeen hoolka bandhiga, oo qiyaastii 20km (12 mayl) u jira Kremlin-ka, kuna xiga wadada faraantiga Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadkii ku jiray.

Hay’adda Ammaanka Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa sheegtay in dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hoolka riwaayadaha ee Moscow ay ku sii jeedeen xudduudda Ukraine, markii la qabtay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Interfax.

Tuhmanayaasha ayaa xiriir la lahaa gudaha Ukraine, FSB ayaa ku dartay, sida ay sheegtay Interfax.

La taliyaha madaxweynaha ee Ukraine, oo ka falcelinaya weerarka Moscow, ayaa mar sii horreysay yiri “Ukrayn gabi ahaanba waxba kuma laha dhacdooyinkan”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments