Google search engine
HomeWararka MaantaBurcad badeed Soomaali ah oo la qabtay ayaa gaaray dalka India xagee...

Burcad badeed Soomaali ah oo la qabtay ayaa gaaray dalka India xagee la geeyay?

Sahan media Muqdisho: Hindiya ayaa magaalada Mumbai keentay 35 burcad badeed Soomaali ah oo la qabtay si maxkamad loo soo taago, maalmo kadib markii ay ciidamadeeda badda dib u soo qabteen markab xamuul oo la afduubay ayna soo badbaadiyeen dhowr qof oo la haystay.

Burburiyaha INS Kolkata, oo hogaaminayay howlgalka samatabbixinta, ayaa ku soo xirtay caasimada dhaqaalaha ee Hindiya horaantii sabtida, bayaan ay soo saareen ciidamada badda ayaa lagu yiri.

Afduubkii markabka MV Ruen ee ka babanayay calanka Malta bishii December, ee bariga magaalada Socotra ee waqooyiga badda Carabta, ayaa ahayd markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2017-kii oo lagu guulaysto in markab shixnad ay raacaan burcad badeed Soomaali ah.

Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa la wareegay markabka 17-kii bishii Maarso, meel 260 nautical miles (480 km) u jirta xeebaha Soomaaliya, waxayna soo badbaadiyeen 17 shaqaale ah oo 9 ka mid ah ay u dhasheen Myanmar, 7 ka mid ah Bulgaria iyo hal qof oo Angola u dhashay.

Gelinka dambe ee Sabtida ayaa la filayaa in Soomaalidan loo gudbiyo xabsiga Booliska.

Xilligii ugu sarreeyey ee weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ah sannadkii 2011-kii, ayaa ciidamada badda waxay dacwad ku oogi jireen oo xabsiyada Hindiya ku xiri jireen dadka ku lugta leh. Balse bilihii la soo dhaafay ciidamada badda ayaa u dhaqaaqay dib u soo celinta maraakiibta iyo bad baadinta shaqaalihii la socday balse burcadbadeedda oo hub ka dhigis ku sameeyay badda.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Vivek Madhwal ayaa todobaadkan sheegay in tani ay noqonayso markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan oo burcadbadeedda lagu qabto badda la keeno xeebaha Hindiya si loo maxkamadeeyo.

Sida uu qabo sharciga Hindiya ee ka hortagga burcad-badeedda, raggan waxay wajihi karaan xukun dil ah haddii lagu helo dil ama isku day dil, iyo xabsi daa’im.

Badbaadinta Sabtidii la soo dhaafay waxay ahayd gebagebadii hawlgal socday 40 saacadood. Kumaandooska ayaa baarashuut ka soo saaray diyaarad milateri oo C-17 ah si ay u fuusho markabka weerar ay ku qaadeen “si guul ah u geesteen oo ku qasbay” dhammaan 35 budhcadbadeed ah oo la socday si ay isu soo dhiibaan, ayaa lagu yiri bayaan hore oo ay soo saareen ciidamada badda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments