Sahan media Muqdisho: Shirka waxaa ka qeybgalay Labadii Madaxweyne ee hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhanka Puntland ee shirka marti gelisey waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakillada Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, mudanayaal ka mid ah Golaha Wakiilada Puntland iyo in badan oo kamid ah Golaha wasiirada ee Xukuumadda Puntland.
Shirka maanta Garoowe ka furmay oo aan faahfaahin laga bixin ajandihiisa rasmiga ah oo keliya lagu soo koobey marxaladda dalku maraayo ayaa la filayaa in waxa ugu weyn ee looga hadlo ay noqon doono Dhamaysirka Dastuurka. Lama sheegin mudada shirku socon doono.
xog ku dhaw madaxtooyada Puntland ayaa sheegaysa in shirka laga soo saarayo war murtiyeed ku aadan xaaladda dalka gaar ahaan nidaamka uu ku socdo dhamaystirka dastuurka, kaas oo Puntland gebi ahaantiisa ay ka maqan tahay.