HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan oo xilka ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, dibna u magacaabay...

Madaxweyne Xasan oo xilka ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, dibna u magacaabay guddoomiye hore

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas dib ugu magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey xilkan u soo qabtay, isla markaana ahaa guddoomiyihii Maxkamadda Sare ka hor Baashe Yuusuf Axmed.

Go’aanka madaxweynaha ayaa yimid kaddib cabashooyin la xiriira hufnaanta iyo habsami u socodka garsoorka oo ay muujiyeen garsoorayaal, hawl-wadeennada hay’adaha garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in isbeddelkan uu qayb ka yahay qorshe dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo hay’adaha garsoorka, si loo xoojiyo hufnaanta, madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabka ee nidaamka caddaaladda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, isaga oo carrabka ku adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.

Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa markii ugu horreysay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare loo magacaabay bishii Luulyo 2011, isaga oo xilka hayay ilaa May 2016. Waxa uu sidoo kale soo noqday la-taliyaha dhinaca sharciga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments