Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaa ku soo kordhay dagmada Aadanyabaal?

Maxaa ku soo kordhay dagmada Aadanyabaal?

Sahan Media Muqdisho: Afar iyo labaatan saac kadib dagaalkii shalay ee Dagamada Aadan yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ee uu Ururka Al Shabaab kula wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal ayay ciidamada dowladda saakay ku qaadeen dagaal weerar celis ah oo ay ka soo galeen sadexda jiho ee laga soo galo dagmada Aadan yabaal, waxaana hadda socda dagaal faraha looga gubtay.

“Kooxdu waxay aroornimadii hore ee shalay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen gudaha iyo daafaha magaalada, taasoo ku qasabtay in ciidanka ay dib u gurtaan kaddib dagaal xooggan oo dhacay.

Labada dhinac ayaa soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan, balse lama oga tirada rasmiga ah ee dhimashada.

Aadan Ayabaal waa magaalo ku taal gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay 245 kilomitir (152 mayl) u jirtaa caasimadda Muqdisho.

Magaaladu waxay leedahay muhiimad ciidan oo istiraatiji ah waxayna u adeegtaa xudunta saadka ee isku xira dawlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamul goboleedka dhexe ee Galmudug.

Intii uu socday howlgalka milatari ee 2022, ciidanka oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa ka xoreeyay kooxda al-Shabaab deegaano badan oo ay ku jirto dagmada Aadanyabaal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments