Sahan media Muqdisho: walaaca nabad galyo xumo ee soo wajahay geeska Africa ayaa loo aaneynayaa in uu saldhig u yahay heshiis beenaadka Itobiya iyo Somaliland.
mar su’aal laga waydiiyay heshiis beenaadka,kuxigeenka dowladda Mareykanka ee arrimaha Afrika waxay tiri “ Maraykanku wuxuu la wadaagaa aragtida Midowga Afrika, IGAD, iyo ururada kale ee caalamiga ah, iyo sidoo kale inta badan saaxiibada Afrika ee qaaradda, in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiskan is-afgaradka ah ee la soo jeediyay uu wax weyn u dhimi karo halgankeenna aan wadaagno, oo ay ku jiraan maalgashiga Itoobiya ee sannado badan ka dhan ah Al-shabaab iyo saameynta xun ee ay ku leedahay dadka Soomaaliyeed.
Waxaanan taageersanahay wada-hadallada u dhexeeya dadyowga Soomaaliya iyo Somaliland ee ku saabsan danaha ay wadaagaan” ayay ku soo gens gebeysay jawaabteedii.