Google search engine
HomeWararka Maantaxoogagga ka soo horjeeda mareykanka oo bilaabay in ay adeegsadaan Drons ...

xoogagga ka soo horjeeda mareykanka oo bilaabay in ay adeegsadaan Drons ka

Sahan media Muqdisho: Kaddib markii saddex askari oo Maraykan ah lagu dilay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada Maraykanka ee Urdun, ayuu madaxweyne Biden ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in uu go’aansaday sida uu uga falcelinayo weerarkaas.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, madaxweyne Biden ma uusan faah faahin hadalladan, balse wuxuu yiri ‘ma filayo inaan dagaal ballaaran ku qaadno bariga dhexe’.

Waxaa xusid mudan in koox hubaysan oo Iran taageerto ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana sidoo kale weerarka lagu dhaawacay tobanaan askari.

Waa markii ugu horeysay oo askar Mareykan ah lagu dilo bariga dhexe tan iyo markii Israel ay duulaan ku qaaday Qaza.

Hase yeeshee arrinta xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in Saldhigga Milatari ee ay Kooxda Maleeshiyada ah weerartay uu ahaa mid qarsoon oo ay wada degganaayeen Maraykanka iyo Urdun, weerarkaas kadib, waxa uu hadda noqday mid indhaha Caalamka ay hayaan.

Waxa uu tilmaamay in Saldhigga Millatari ee Maraykanka uu ahaa mid daahsoon oo loo qariyo, isla markaana Urdun iyo Maraykanka midkoodna aanu shaacin joogitaanka Saldhigga Millatari ee uu ku leeyahay Dhulka Urdun.

Balse weerarka ka dib, Pentagon-ka ayaa ku qasbanaaday inuu shaaciyo goobta saldhigan markii ugu horeysay tan iyo markii la aasaasay 2016-kii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments