Google search engine
HomeWararka DibaddaShirka amniga Yurub ee Munich maxaa ka soo kordhay

Shirka amniga Yurub ee Munich maxaa ka soo kordhay

Sanadkii walba bishan oo kale waxaa magaalada Munich ee dalka Garmalka lagu qabtaa Shirka amniga adduunka, waxaana ka soo qayb gala madaxda adduunka kuwooda ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan.

Wargeyska Israa’iil laga leeyahay ee Yedioth Ahronoth ayaa lagu daabacay in madaxweynaha Israa’ïil Isaac Herzog uu si qarsoodi ah dalka Jarmalka ugula kulmay ra’lisul wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdul Rahman bin Jassim Al Thani.

Wargeyska ayaa sheegay in labada hogaamiye ay si qarsoodi ah u kulmeen iyaga oo ka qeyb galayay shirka amniga Munich, waxayna ka wadahadleen arrinta ku saabsan sii deynta maxaabiista u afduuban ururka Xamaas.

Channel-ka 12-aad ee Israel ayaa sheegay in madaxa dhaq-dhaqaaqa Xamaas ee Marinka Qasa, Yahya Sinwar, uu ku adkeystay dalabaadkiisa intii lagu guda jiray wada xaajoodka Qaahira, mana jiraan calaamado muujinaya in heshiis la gaaray.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale sheegay in agaasimaha Sirdoonka Maraykanka CIA William Burns uu booqday Israa’iil uuna la kulmay ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo madaxa Mossad Dadi Barnea.

Warbaahintu waxay tibaaxday in Xamaas ay soo bandhigtay soo jeedin ah in la sii daayo dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ku xiran xabsiyada Israa iil, halka Ra iisul wasaaraha Israa iil uu diiday soo jeedintaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments