Sahan Media Muqdisho: Heshiisyada ayaa taageeraya in shaqaale Soomaali ah loo diro dalka Sacuudiga, xilli ay isku diyaarinayaan martigelinta Koobka Adduunka ragga ee FIFA 2034-ka. In kasta oo ay jiraan talooyin cad oo ka yimid Ururka Caalamiga ah ee Shaqada (ILO) 2022 si loogu daro ilaalinta shaqaalaha heshiisyada lala galayo si ay ugu hoggaansamaan heerarka caalamiga ah ee shaqada, laakin waxaa la saxiixay warqadihii ay Sucuudigu wateen iyada oo aan hal wax laga beddelin.
Xoghayaha Guud ee ITUC Luc Triangle ayaa faallo ka bixiyay: “Waan cambaareyneynaa heshiisyadan lagu deg degay cadaadis siyaasadeed ayayna adeegsadeen iyadoo aan lala tashan ururada shaqaalaha, kuwaas oo iska indha tiraya heerarka shaqada ee caalamiga ah, heshiiskan dowladda lala saxiixday wuxuu wiiqaya xuquuqda shaqaalaha isla markaana abuuraya shuruudo si nidaamsan looga faa’iidaysto tobanaan kun oo muhaajiriin Soomaali ah. .
“FESTU waxa ay heshiisyadan ku sifaysay addoonsiga casriga ah, ITUCna way ogolaatay. Waxaan la garab taagannahay FESTU shaqadeeda cadaaladda waxaanan cambaareyneynaa isku day kasta oo lagu doonayo in lagu aamusiyo ururada shaqaalaha madaxa banaan iyo shaqadooda si ay u muujiyaan xadgudubyada shaqada.
“Waxaan ku dadaali doonnaa inaan soo bandhigno heshiisyadan aan la aqbali karin, isla markaana aan kula xisaabtami doonno dowladda Soomaaliya iyo dowladda Sacuudiga wixii ay sameeyeen. Luc Triangle
“Dowladda Soomaaliya waa in ay fulisaa ballanqaadkeeda ah in FESTU ay la yeelato wada-hadal bulsho, dib u eegis ku sameyso heshiisyada iyo xaqiijinta ilaalinta shaqaalaha.